Talaado, August 12, 2008(HOL): Saddax ruux oo ku hubaysan Baastoolado iyo toorreeyo ayaa xalay fiidnimadii dil ugu gaystay Gudaha Magaalada Galkacyo gaar ahaan dhanka Koonfuureed Taliyihii hore ee Ciidamada Dawlada KMG ee Gobolka Mudug.
Marxuumka gaareeyaday ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdulaahi Afgub Cardaf ,waxaana uu Dawlada KMG ah Mas'uul uga ahaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galinsoor.
Dablayda dilka u gaystay Marxuumka Geeriyooday ayaa isaga baxsaday Goobta , iyadoo rasaasta lagu furay Marxuumka ay dhaawac gaarsiisay darawalkii gaariga u waday Marxuumka.
Kadib markii dilkani uu dhacay ,waxaa is-badalay xaaladda amni ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana xiliga habeenkii ah Magaalada Gaalkacyo saaran bandaw bilaabanaya 8da fiidnimo.
Ilaa iyo hadda lama oga ciddii ka danbeysay iyo sababta loo dilay sarkaalkaasi ka tirsan Dowladda KMG, mana jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulada halkaasi ka jira. Maamulka Puntland iyo midka Gal-Mudug ee ka kala jira Waqooyig iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka u muuqanaya kuwa wada dhaqaaqyo ay is-bedela kaga samaynayaan dhinaca ammaanka Magaaladaasi oo waqtiyadii ugu danbaysay soo xumaanayay.
Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka noqotay mid aan sidaas la isugu sii halayn karaynin amnigeeda , maadaama xilli kasta ay ka dhacayaan Magaaladaasi falal isugu jira dil dhac iyo qaraxyo kala duwan oo amniga lagu khal khal gelinayo.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso ,Somalia