Urur Nabadda ka shaqeyn doona oo loogu magac-daray Cali Iimaan Sharma-arke

Cabirka Farta


Talaado, August 12, 2008(HOL): Shalay oo ay taariikhda ku beegneyd 11-ka Agoosto 2008 waxay ku beegneyd sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii Muqdisho lagu dilay Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik iyo Mahad Axmed Cilmi oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacaddaas, isla markaana ahaa Agaasimaha Idaacadda Capital Voice oo mataan la ah Idaacadda Horn Afrik.

Haddaba Munaasabado lagu maamuusayay sanadguurada koowaad ee ka soo wareegatay geerida ku timid mas'uuliyiintaas Saxaafadeed ayaa waxay shalay ka kala dhaceen Dalalka Kenya, Jibouti, Somalia, England, Canada iyo Kuweyt, iyadoo munaasabadahaasna lagu soo bandhigay waxqabadkii labadaas mas'uul saxaafadeed ee la dilay.

Munaasabaddii ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiin ka socotay Safaaradda Canada ee Nairobi, Guddoomiyaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo weliba mas'uuliyiin kale oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo weliba Saxaafadda qeybaheeda kala duwan ayaa marka laga soo tago in lagu soo bandhigay waxyaabihii ay qaban jireen Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi waxaa dhanka kale munaasabaddaas looga dhawaaqay Urur Nabadda ka shaqeyn doona oo loogu magac-daray Cali Iimaan Sharma-arke, kaasi oo la yiraahdo Shama-arke Peace Foundation.

Mas'uuliyiintii munaasabaddaas ka hadlay waxay dhamaantood isku raaceen in Cali Iimaan Sharma-arke uu ka mid ahaa dadka sida weyn ugu ololeynayay sidii dalka Soomaaliya uu noqon lahaa mid ay dadkiisa nabad iyo nolol ku noolaadaan, iyadoo sidoo kalena la xusay in Wariye Mahad Axmed Cilmi uu markii la dilayay ku howlanaa soo bandhigidda codka dadka bulshada ugu nugul, gaar ahaan dadka qaxootiga ah iyo weliba kuwa lagu xad-gudbo xuquuqdooda aas-aasiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Cilmi ay ka mid ahaayeen wariyayaal dhowr ah oo u dhabar adeygay in ay ku shaqeeyaan dalka Soomaaliya oo xaaladdiisa ammaan aysan hagaagsaneyn, wuxuuna xusay in uu si weyn uga xun yahay in la dilo Wariyayaasha Bulshada u shaqeeya. Intaas kadib Shariif Xasan waxaa uu tacsi u diray qoyskii, ehelladii  iyo asxaabtii ay wariyayaashaas la dilay ka geeriyoodeen.

John Yates oo ah Ergayga gaarka ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa isagana hadal uu munaasabadda ka jeediyay waxaa uu ka sheegay in Cali Iimaan Sharma-arke uu ahaa nin dadaal badan oo ku howlanaa sidii dalka Soomaaliya nabad loogu heli lahaa, wuxuuna xusay in uu ka xun yahay in la bartilmaameedsado dadka sidiisa oo kale wanaagga  ka shaqeeya.

Sidoo kalena waxaa Munaasabadda ka hadashay Madaxa Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo sheegtay in 11-kii Agoosto 2007 la waayay labo saxafi oo cod u ahaa dhowrista Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa xafladda ka hadashay Xaaskii uu ka geeriyooday Cali Iimaan Sharma-arke oo lagu magacaabo Luul Faarax, waxayna Luul sheegtay in bacdamaa uu seygeeda ahaa Nin bulshada Soomaaliyeed ay karaamo u heysay isla markaana Aabbe u ahaa Bahda Saxaafadda ay go'aansadeen in la sameeyo Urur  lagu xusuusanayo oo lagu magacaabo Sharma-arke Peace Foundation. Munaasabaddaas oo ka dhacday Hotelka Grand Regency ee Magaalada Nairobi waxaa heeso nabadda iyo wadaniyadda ka hadlayay ka qaadayaya Fannaaniin ka socotay Kooxda Waayaha Cusub ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi.



C/raxmaan Diiriye Nuur
[email protected]
Nairobi, Kenya