Maamulka Bakool oo sheegay inuu weerar ku qaadayo Xoogagga Al-Shabaab oo gacan ku heynta Gobolkaas kala wareegay

Cabirka Farta

Talaado, August 12, 2008(HOL): Madaxda Maamulka Gobolka Bakool oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay weerar ku qaadi doonaan Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall oo wariyayaal kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay haatan isu diyaarinayaan sidii ay Gobolka Bakool uga saari lahaayeen xoogag uu sheegay in ay qabsadeen, wuxuuna caddeeyay in ay ka go'an tahay in uu gobolka Bakool gacantooda ku soo noqdo.

Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in tan iyo markii ay xoogagga Al-shabaab ay la waregeen gacan ku heynta Gobolka, gaar ahaan Magaalada Xudur ay halkaas ku dileen Sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidamadii nabadsugidda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Xoogaggaas yihiin kuwo dadka dhibaateeya.

Dhanka kalena Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegay in aysan weli soo gaarin is-casilaad ay shalay ku dhawaaqeen xubno ka tirsanaa golaha Deegaanka Gobolka Bakool, kuwaasi oo la sheegay in ay iska casileen xilalkii ay Gobolka Bakool ka hayeen.

Maxamed Macallin Axmed waxaa uu sheegay in aysan ilaa iyo haatan jirin is-casilaad loo soo gudbiyay oo uu aqbalay, wuxuuna caddeeyay in ay nidaamka dowliga ah hareer marsan tahay in is-casilaadda la isu marsiiyay qalabka Warbaahinta.

Ugu dambeyntiina, Mas'uuliyiintan madaxda ka ah Gobolka Bakool ayaa wuxuu hadalkooda ku soo beegmayaa iyadoo gacan ku heynta Gobolkaas lagala wareegay, isla markaana ay qudhooda isaga tageen Xarunta Gobolka oo ah Magalaada Xudur.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia