![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed |
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay in uu dib u heshiisiinta ka soo horjeedo, wuxuuna sheegay in uu taageersan yahay dib u heshiisiinta socota iyo heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti, kaasi oo uu sheegay in dhamaadka bishan mar kale si rasmi ah loogu saxiixi doono Dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Mar uu Arrimaha Dib u heshiisiinta ka sii hadlayay Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu raali ka yahay in dib u heshiisiin iyo wada hadal xal lagu gaaro, wuxuuna xusay in shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaaliya loo soo qabtay kuu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay.
Waxaa wax laga weydiiyay waxa ka jira warar horay u soo baxay oo sheegayay in uu ka soo horjeestay xil-ka-qaadis ay Xukuumadda Federaalka ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna sheegay in uusan diidin xil-ka-qaadistaas balse sida uu u yiri uu sheegay in qaabka xil-ka-qaadistaas ay u dhacday ay ahayd mid aan sharci ahayn, isagoo farta ku fiiqay in haddii xil magacaabis iyo ka qaadis la sameynayo ay lagama maarmaan tahay in uu isagu madaxweyne ahaan ka war-qabo, haddii kalena ay taasi noqoneyso sharci darro.
"Aniga waa la i bedeli karaa, Maxamed Dheere-na waa la bedeli karaa laakin waa in qaab sharci ah loo maraa waayo waxaa jira Sharci dalka u yaalo oo lagu kala dambeeyo" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay jiraan awooddo kala qeexan oo ay leeyihiin Hay'adaha Dowladda, "Awood Baarlamaanka ayaa leh, Mid Xukuumadda ayaa leh, Mid Garsoorka ayaa leh, mid kalena Madaxweynaha ayaa leh, waana ay kala qeexan yihiin "ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo si cad u sheegay in aanu ogolaan doonin wax sharci darro ah.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne ahaan uu waajibaadkiisa u fasaxayo in uu ilaaliyo Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu ku sii adkeysanayo in uu ilaaliyo Axdiga aas-aaska u ah Dowladda Federaalka.
Intaas kadib wuxuu madaxweynaha eedeyn kulul u jeediyay Warbaahinta Muqdisho oo uu sheegay in ay si qabyaaladeysan ay uga hadleen arrimaha is-qabadka Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in saxaafadda looga baahan yahay in ay ilaaliso anshaxa Saxaafadda oo dhigaya in ay saxaafadda dhexdhexaadnimo ku shaqeyso.
Shirkan Jaraa'id ee uu qabtay Madaxweyne Yuusuf ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kala ah Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Mustaf Dhuxulow ay Madaxweyne C/llaahi YuusufAxmed ku eedeeyeen in uu ka soo horjeedo Dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay Waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
