Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamul 90 cisho shaqeynaya u magacawday Gobolka Hiiraan

Cabirka Farta

Arbaco, April 30, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay maamul KMG ah u magacawday Gobolka Hiiraan oo muddooyinkan maamul la’aan ahaa kadib markii maamulkii gobolkaas loo  magacaabay ay ka awood roonaadeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Wareegto uu maanta soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Degmada Beledweyne, iyadoo maamulladii Degmooyinkana sidooda loo dhaafay.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo wareegtada uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Saxaafadda u aqrinayay ayaa wuxuu sheegay in maamulka loo magacaabay Gobolka Hiiraan uu yahay mid KMG ah oo shaqeynaya muddo 90 cisho ah oo lagu soo dhisayo maamul rasmi ah oo qaab doorasho ah ku yimid.

Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha magacaabistaas sameeyay kadib markii uu eegay xaaladda maamul la’aaneed ee uu ku sugan yahay Gobolka Hiiraan iyo la-tashiyo uu la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin, kuwaasi oo ku waafaqay in maamul KMG ah loo dhiso Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta loo magacaabay Gobolka

Maxamed Axmed Maxamed                      Guddoomiye
Saleebaan Axmed Hilowle                         Guddoomiye ku xigeen
Cabdi Ibraahim Muumin Bariise                Guddoomiye ku xigeen
Cabdi Iidow Sabriye                                    Guddoomiye ku xigeen

Mas’uuliyiinta loo magacaabay Degmada Beledweyne

Saalax Muumin Muuse                                Guddoomiye
Salaad Xasan Cabdi                                  Guddoomiye ku xigeeen
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow            Guddoomiye ku xigeen
Inj. Faarax Muuse Taano                             Guddoomiye ku xigeen

Duqa Magaalada Beledweyne

Aadan Cabdi Ciise Garaaso                      Duqa Magaalada
Maxamed Macallin Xasan                            Ku xigeenka Duqa Magaalad

Taliska Ciidanka Gobolka Hiiraan

G/lle sare Axmed Cilmi Guuto                       Taliyaha Gobolka
G/lle sare Ibraahim Axmed Magan               Taliye ku xigeenka Gobolka

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan

G/lle sare Cabdi Aadan Caddow                 Taliyaha Q. Booliska Gobolka
G/lle sare Xuseen Shukri                               Taliye ku xigeenka Q. Booliska

Taliska Saldhigga Degmada Beledweyne

G/lle C/llaahi Xaashi Shirwac                        Taliyaha Saldhigga Beledweyne

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka ay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Gobolka Hiiraan ayaa waxay magacaabidiisa ku soo beegmeysaa iyadoo ay dhawaan Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka iyo weliba Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika C/kariin Faarax Laqanyo ay ku howlanaayeen sidii Gobolka Hiiraan loogu dhisi lahaa maamul ka yimid Dadka Gobolka oo aan dusha looga keenin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia