Arbaco, April 30, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday guriga uu ka deganaa Magaalada Beledweyne Taliyihii Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Col. C/llaahi Faarax Juun, kaasi oo ay dileen kooxaha hubeysan ee weerarka ku qaaday.
Cali C/llaahi Faarax oo ah wiil uu dhalay Taliyaha la dilay isla markaana ay gacanta ku dhigeen kooxaha hubeysan ka hor inta aysan guriga weerarka ku qaadin ayaa u sheegay HOL in ay kooxaha hubeysan weydiiyeen su'aalo dhowr ah sida in uu sheego halka uu ku sugan yahay Aabihiis iyo in uu wali la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo in kale, waxaana uu intaas ku daray Cali C/laahi in sidoo kale kooxaha weerarka soo qaaday ka qaateen guriga dhamaan hub yiilay.
Weerarka xalay oo u muuqday mid qorsheysan ayaa shaki iyo wal wal ku abuuray dadka intiisa badan, waxaana marka laga soo tago rasaasta ay ridayeen kooxaha hubeysan sidoo kale la maqlayay Qoriga Baasuukaha ah oo loo adeegsaday weerarka lagu qaaday guriga Korneelka.
Col. C/laahi Faarax Juuni oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xoogga dalka ee ay Dowladda Federaalka u soo magacawday xilka Taliyaha Ciidamada Mileteriga sideed Bilood ka hor, kadib markii wareegto ka soo baxday Dowladda Federaalka xilkaa looga qaaday C/raxmaan Dhagool oo markii dambe loo soo magacaabay Ku-xigeenka Col. C/laahi Faarax Juuni.
Weerarka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa muujinaya sida wali xaaladdu u tahay mid aan sahlaneyn, gaar ahaan dhinaca Nabad-galyada oo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen Magaalada Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan aheyd mid aan ammaankeeda la isku haleyn karin.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla 14kii bishan aynu ku jirno sidan oo kale kooxo hubeysan ku dileen gudaha Magaalada Beledweyne Macallimiin Ajnabi ah oo ka dhigayay Dugsi ay wax ku baranayeen Caruur badan oo Reer Hiiraan ah, iyada oo dhanka kalena falkii xalay lagu khaarajiyay Taliyihii Ciidamada Mileteriga Gobolka uu ku soo beegmay iyadoo shalay gudaha Magaalada Beledweyne ay kulan ku yeesheen Duubabka Dhaqanka kaas oo looga wada hadlay sida laga yeelayo ammaanka sii xumaanaya ee Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo hubeysan oo xalay Gurigiisa ku dilay Taliyihii Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka ee Gobalka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Ra’iisal Wasaare Nuur cadde oo Baydhabo tegay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamul 90 cisho shaqeynaya u magacawday Gobolka Hiiraan
- Qarax ay Dad badan ku dhinteen oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo
- Suuqyada Magaalada Marka oo albaabada loo laabay
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameynayaan Wadada Xeebta marta ee isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe