Arbaco, April 30, 2008(HOL): Waxaa saaka albaabada u laaban yihiin Suuqyada Ganacsiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in sababta Suuqyada loo furi waayay ay tahay iyadoo uu sare kac aad u ballaaran ku yimid Qiimaha Raashinka Quutul-daruuriga ah.
Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka lagu arkayaa Waddooyinka Magaalada Marka, iyagoo dadka u sheegaya in ay isugu soo baxaan dibadbax ay uga cabanayaan sicir bararka ka jira Suuqyada Magaalada Marka.
Sicir bararka saameeyay Dadka ku dhaqan Magaalada Marka waxaa uu si gaar ah u taabtay raashinka quutul-daruuriga ah ee ay Dadka manaafacaadsadaan, kaasi oo ay ganacsatada ku jaan-gooyaan Sarifka Doollarka oo sare uga kacay Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kalena, in uu istaago ganacsigii Suuqyada Magaalada Marka ayaa waxaa qeyb ka ah diidmada lacagta duugowda ee Kunka Shilin Soomaaliga, taasi oo ay ganacsatadu diidan yihiin in ay wax ku iibsadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, inta badan Suuqyada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan sicir barar aad u baahsan oo salka ku haya sare u kac ku yimid Sarifka Lacagta Doollarka oo lagu jaan-gooyo waxyaabaha ay ganacsatada iibiyaan oo uu ugu muhiimsan yahay raashinka quutul-daruuriga ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia