Qarax ay Dad badan ku dhinteen oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Arbaco, April 30, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa saaka waxaa ka dhacay qarax aad u xooggan oo sababay in ay dhintaan dad gaaraya 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.

Qaraxan oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa nawaaxiga Saldhig-yaraha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ahaa mid si weyn looga maqlay Magaalada Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay intaas ku darayaan in Dadka dhintay ee 10-ka gaaraya ay ku jiraan kuwo ay qaraxaas kadib toogteen Ciidamada Itoobiyaanka oo qudhooda la sheegayo in ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay.

Waxaa gebi ahaanba xiran goobaha ganacsiga iyo waddooyinka  ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana gudaha magaalada soo buux-dhaafiyay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiray, kuwaasi oo howlgallo ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula beegsado Magaalada Baydhabo, waxaana jiray qaraxyo horay loogu geystay Ciidamada Itoobiyaanka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxan saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sii iftiiminayaa nabadgelyo-darrada ka jirta Magaalada, inkastoo qaraxan uu ku soo beegmay iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey uu sheegay in uu maamulkiisa wax ka qabanayo amni darrada ka jirta Gobolka Bay guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia