Jimco, April 25, 2008(HOL): Dowladda Masar ayaa waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ka hadashay dagaallo dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jireen Culumaa’udiin ka tirsanaa Jamaacada Tabliiqa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar Ahmed Aboul Gheit ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ugu baaqay in aysan ku dul-dagaalamin dadka shacabka ah, isla markaana ay u turaan.
“Dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya waa in aysan khatar gelin nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, isla markaana ay xushmeeyaan hantidooda”ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Ahmed Aboul Gheit.
War-murtiyeedka waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Masar ay si weyn uga walaacsan tahay qalalaasaha iyo xaaladaha nabadgelyo la’aaneed ee ku soo kordhaya Soomaaliya, kuwaasi oo galaaftay nolosha Dad badan oo Soomaaliyeed, halka ay ku dhawaacmeen, kuna barakaceen Dad kale oo aad u tiro badan.
Soomaaliya oo ka mid ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa muddo 10 sano ka badan ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya dhinacyo iska soo horjeeda oo Soomaali ah, waxayna taasi ka dhigtay Soomaaliya in ay noqoto Dal uu Qaran-jab ku dhacay.
Laakin sanado dhawaa ayaa dadaallo la sameeyay waxaa lagu dhisay Dowlad, taasi oo iyadana ay awooddeeda lugaha ka xireen dagaallo ay kala soo horjeedaan Kooxo hubeysan oo mucaaradsan jiritaanka Dowladdaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia