Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Lacag iyo gaari uu lahaa lagala wareegay

Cabirka Farta

Bidix: Avv. Maxamed Nuur Sheegow iyo Dr. Yuusuf Cali Haaruun/Photo By: Maxamed Allman
Jimco, April 25, 2008(HOL): Waxaan weli si rasmi ah xoriyaddoodii u helin Guddoomiyihii Maxkamadaha sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo muddo 8 bilood ah xabsi ku jiray, inkastoo dhawaan lagu sii daayay cafis uu u fidiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Inkastoo Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ay joogaan  bannaanka oo aysan xabsi ku jirin hadana weli ma heystaan xoriyad buuxda, waxaana ku xiran in ay xoriyaddooda dib u helaan in ay buuxiyaan shuruudo lagu xiray sii deyntooda.

Shuruudaha lagu xiray sii deyntooda waxaa ka mid ah in aysan wax xil ah qaban karin,  in aysan fidin karin wax dacaayad ah oo ku saabsan xarigii loo geystay iyo kuwo kale, iyadoo haddii qodobadaas la fulin waayo lagu sheegay qoraalka lagu sii daayay in dib loogu soo celin doono xabsigii ay ku jireen.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa Dr. Yuusuf Cali Haaruun lagala wareegay Gaari iyo lacag Doollar ah oo cadadkeeda lagu sheegay in ay ka badan tahay 10 Kun oo Doollar, iyadoo lacagta iyo Gaarigana lagu wareejiyay Waaxda Garsoorka Dowladda Federaalka oo markii lagu wareejinayay la sheegay in ay ku qabtaan howshii markii hore loogu talagalay.

Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo muddo 8 bilood ah xabsi ku jiray ayaa markii la soo xirayay waxaa lagu eedeeyay lunsasho lacag ay mushaar ahaan u lahaayeen Shaqaalaha Waaxda Garsoorka iyo weliba arrimo kale oo la sheegay in ay lid ku ahaayeen Shuruucda Dalka u degsan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan ayaa waxay is-weydiinayaa waxa weli loo daba taagan yahay Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo sida la sheegay uu cafis u fidiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia