Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka oo ka hadashay cabashooyin ka yimid dadka ka safra Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, April 25, 2008(HOL): Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya dadka ka dhoofa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ku xigeenka Taliyaha Waaxda Socdaalka Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay in dadkaas ay ka cabanayaan lacago ay si laaluush ah uga qaadaan dad aaney la socon Waaxda Socdaalka, wxuuuna sheegay in marka ay helaan dadkaas ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Taliye ku xigeenka waxaa kale oo uu sheegay in cabashooyinka soo gaara ay ka mid yihiin in Dad u dhoofaya qaar ka mid ah Gobollada Dalka lagu qasbo in ay qaataan Buug Caafimaad, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

“Markii aan dabagal ku sameynay arrintaas waxaa naloo sheegay in ay ka dambeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, xiriir ayaana arrintaas kala sameyn doonnaa”ayuu yiri Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka oo sheegay in aysan sharci ahayn in qof Gobollada dalka u dhoofaya lagu xujeeyo in uu sameysto buug Caafimaad.

Dhanka kalena Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baasaboor cusub soo sameysay kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo dalalka caalamka qaarkood ay diideen in lagu soo galo, waxaana taasi keenay wariyayaal ajnabi ah oo dalka Soomaaliya booqasho ku tegay, kuwaasi oo si sahal ah Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho uga sameystay Baasaboorka Soomaaliyeed.

 Ugu dambeyntiina,  Baasaboorkan cusub oo ay hadda qaadanayaan Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa marka ay aqoonsadaan Dowladaha Caalamka waxaa uu meesha ka saari doonaa dhibaato dadka Soomaaliyeed ka heysata dhinaca socdaalka, taasi oo timid kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia