Jimco, April 25, 2008(HOL): Prof. Daa'uud Xasan Cali waxaa uu ku noolaa Dalka Britain mudo ku dhan Afartan Sanadood gaar ahaan magaalooyinka Bimingham iyo Liverpool oo ay isaga iyo qoyskiisaba kuwa qaateen nolashooda inta badan.
waxaa uu dib ugu soo laaabtay Magaalada Beledweyne Sanadkii 2004 xiligaa oo uu ka hergaliyay Gobalka Hiiraan Library aad u weyn oo si gaar ah u saaciday Ardayda wax ka barata Dugsiyada Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in sidoo kale Prof. Daa'uud uu ka hegaliyay Magaalada Beledweyne Dugsi ay wax ku bartaan Caruurta kaa loogu magacdaray HICEP.
Dugsiga oo ay wax ka dhigi jireen isaga iyo Macalimiin Ajnabi ah oo ka kala yimid dalalka Kenya iyo Baritain ayaa waxaa ka faa'ideystay Caruur aad u diro badan kuwaa oo si gaar ah loo bari jiray luuqda Ingariiska, sidoo kale waxaa Dugsiga fursada waxbarsho ka helay qaar ka mid ah Ganagsatada Gobalka iyo xitaa shaqsiyaadka u shaqeeya hay'adaha Samafalka oo iyagu siweyn ula dhacay qaabka ay u baxeyso waxbarashada Dugsiga.
Prof. Daa'uud iyo Macalimiintii kala howl-gali jirtay magaalada Beledweyne ma'aheyn kuwo ku eg uun in ay dadaalkoodu ku koobaan hal Dugsi oo kaliya laakiin waxaa jiray qorshe intaa ka balaaran oo ay ka wadeen qeybaha Gobalka Hiiraan, waxaa uu ka hergaliyay magaalada Beledweyne Xarun Waxbarasho oo aad u balaraan taa oo loogu tala galay in laysugu keeyo caruurta si markaa wax loogu baro, iyada oo marka aad dhaxtagto Xarunta ay kuu muuqaneyso heerka uu gaarsiisnaa hamiga Prof. Daa'uud iyo kooxdiisa Waxbarsho.
Magaalada Bimigham oo uu ka dhisnaa urur ay ku bahoobeen shaqsiyaad kooban gacana ka geysan jiray hormarinta howlaha waxbarasho ee ka socda gudaha Gobalka ayuu dhowr jeer oo hore dib ugu laabtay isaga oo xooga saaraya sidii horay loogu dhaqaajin lahaa dadaalka socda iyo waliba in la helo Buugaag casiryaysan iyo macalimiin aqoon sare leh.
Macalimiintii markii danbe kala timid dalka dibadiisa waxaa ka mid aheyd Gabadha lagu magacaabo Rihan oo u dhalatay dalka Britain markii danbena lala dilay Prof. Daa'uud iyo Maclimiintii kale ee u dhalatay Dalka Kenya, Rihan oo aheyd Maclimad si gaar ah ugu taqasustay Tariikhda Soomaalida ayaa fursad badan u sii sayay caruurta iyo wax ka bartaan Taariikhda dalkooda hooyo iyada oo dhinaca kalana si gaar ah qeyb uga qaatay kobcinta maskaxda caruur aan markii hore rajo looga qaban in ay waxbarataan maadaama ay ahaayeen kuwo aad u da'yar.
Marka laga oo tago cashirada ay siin jirtay Caruurta dhinaca kale waxaa jiray sheekooyin iyo waliba madadaalo kale oo ay u sameyn jirtay ardayda taa oo dhiira galin u aheyd in caruurtu waqti hore yimaadaan dugsiga, waana tan keentay in uu soo jiito idhaha waalidiin badan iyo caruur iyagu iskoodu u door biday in ay waxkabartaan.
Prof. Daa'uud Xasan Cali oo ahaa shaqsi aamusnaan badan kuna howlan oo kaliya shaqadiisa waxaa uu sidoo kale mar marka qaar booqan jiray xarunta Liybareyriga oo runtaa la oran karo waa isha kaliya ee ardayda Dugsiyadu ka dalacdaan hadba waxyaabaha ay u baahan yihiin.
"Aad ayaan ugu faa'ideysanay tan iyo markii la dhisay Liybareyriga, waxaan si gaar ah u xusayaa xilayada Imtixaanaadka oo aan ka helo waxyaabaha aan is leeyahay waa ay kugu adkaan doonaan, ayuu u sheegay HOL Axmed Nuur oo ka mid ah arydayda sida gaar ah ugu xiray Xaruta Libareyriga.
Inkastoo ay jiraa warar badan oo dadku isla dhaxmaray intii uu dugsiga furnaa ayaa hadana marka aad la sheekeysto ardaydii waxkabaran jirtay waxaa ay kuu sheegayaan in ay aad uga xumaadeen in meesha laga saaray iftiin u soo baxay bulshada ku dhaqan Gobalka Hiiraan, iyaga oo sigaar ah farta ugu fiiqay Luuqdii Ingariiska ee laga baran jiray Dugsiga oo ay ku tilaameen mid wax badan ka duwan tan laga barto Dusiyada dalka Soomaaliya.
Xaaskii Prof. Daa'uud Xasan Cali Margaret Ali waxaa ay u sheegtay dhawaan BBC-da in horay loo si dhaqaajin doono raadkii uu ka tagay Pro. Daa'uud, waayo ayeey tiri hada waxaa la joogaa bilow fiican waxaana aniga iyo kooxdeyda ka fikireynaa sidii loo sii wadi lahaa kaalintii uu baneeyay Prof. Ali.
Prof. Daa'uud Xasan Cali iyo Sadax Macalin oo Ajnabi ah ayaa bartamihii bishan aynu ku jirno kooxo hubeysan ku dilaan gudaha Dugsiga HICEP waxaana falkaa lagu dilay kooxda waxbarasho siweyn uga xumaaday Bulshada Gobalka oo arintaa ku dilmaamay mid lagu wiiqayo waxbarashadii soctay, lakiin su'aashu waxaa ay tahay yaa sii wadi doona kaalintii Wabarasho ay baneeyeen Prof. Daa'uud iyo Saxiibadiisii la dilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia