Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay Degmada Buulo-Burte

Arbaco, 2, April. 2008 (HOL)  Kadib markii ay gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan oo uu dagaal qaraar ku dhexmaray xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamo kala taabacsan Maamullada Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Kulanka oo ahaa mid ay dalbadeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Nabad-galyo ee Gobalka Hiiraan, iyo waliba Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Degmada Buula-burte.
 
Sida HOL ay ka soo xigtay ilo xog-ogaal ah isla markaana si weyn ula socday kulanka labada dhinac waxaa jiray eedeymo kulul oo ay Saraakiisha Itoobiya u soo jeediyeen dhinaca Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan gaar ahaan waxaa si weyn loo soo hadal qaaday bililiqo la sheegay in Ciidamada Maamulku geysteen iyo waliba dab la qabadsiiyay Guryo  deegaan ahaa.
 
Saraakiishu waxaa ay sheegeen in sababta ugu weyn ee keentay dagaalka ka dhacay Degmada Buula-burte la oran karo waa caro ka dhalatay dhibaatada Ciidamadu geysteen, waxaana ay intaa ku dareen in dhinaca Maamulka laga doonayo in arintaas uu wax ka qabto.
 
Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday awoodda wali kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalku ku leeyihiin Gobalka Hiiraan iyo sida mar walba looga filan karo weeraro lagu qaado fariisimaha Ciidamada la shaqeeya Dowladda taas oo sida Saraakiishu sheegeen loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago.
 
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka hadlay kulanka labada dhinac ayaa sheegay in aysan jirin eedeymaha loo soo jeedinayo Ciidamada Maamulka ee ah in bililiqo la geystay, laakiin waxaa uu qiray in meelaha qaar guryo baaritaan lagu sameeyay kuwaas oo lagu tuhunsanaa in ay fariisimo u ahaayeen mas'uuliyiinta kooxaha ku kacsan Dowladda.
 
Yuusuf Dabageed waxaa uu intaas ku daray in dhibaatada ugu ballaaran ka taagan tahay wada shaqeyn la'aan ka jirta dhinaca shacabka isaga oo tusaale u soo qaatay in ay jiraan qaar ka mid ah dad ku dhaqan Gobalka oo gabaad siiya kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda.
 
"Annagu waan awoodnay in aynu isku difaacno gudaha Degmada Buula-burte, laakiin waxaa hubaal ahayd in khasaaruhu ka badan lahaa heerka hadda uu gaaray” ayuu yiri mar uu ka hadlay sababta keentay in ay u suurta gasho Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada in ay gacanta ku dhigaan Degmada.
 
Ugu danbeytii waxaa la isku  af-gartay in si wada jir ah wax looga qabto baaxadda kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo waliba in la iska ilaaliyo ku xad-gudubka Shacabka ee dhinaca Ciidamada, si loo hagaajiyo niyadsamida dadweynaha, waxaana la filayaa in dhawaan halkaas ay ka soo amba baxaan Ciidamada Itoobiya iyo Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia