Arbaco, April 02, 2008(HOL): Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan af-duub shalay deegaan ka tirsan Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe loogu geystay Samafalayaal Shisheeye ah oo u shaqeynayay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Af-duubka labadaas Samafale ayaa waxay sheegayaan in Kooxihii Af-duubka geystay ee raggaas kaxeystay lagu qabtay deegaano ka tirsan Degmada Jilib, isla markaana ay qabteen Ciidamo uu wato Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde.
Guddoomiyaha Degmada Bu’aale Ibraahim Aadan Nooleeye ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho in uu soo gaaray warka ku saabsan in Shiikh Yuusuf Indha Cadde uu hayo Raggaas la qafaashay, isla markaana ay haatan qorsheynayaan in ay la xiriiraan.
Ibraahim Nooleeye oo wax laga weydiyay waxa keenay in la af-duubto Raggan u shaqeynayay Hay’adda FAO ayaa sheegay in ay soo gaareen warar kala duwan oo qaarkood ay sheegeen in loo af-duubtay sabab la xiriirta gaadiid ragga wax af-duubtay looga dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halka warar kalena lagu soo gaarsiiyay in af-duubka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayo madax furasho.
Dhanka kalena, War ka soo baxay Hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in ragga la qafaashay oo u kala dhashay Dalalka Britain iyo Kenya aysan ka tirsan Hay’addaas, isla markaana ay ahaayeen qandaraas-qaatayaal ka tirsan Shirkad Dalka Hindiya laga leeyahay oo ku shaqo leh qariiradeynta wax u qabashada dadka ay fatahaadaha waxyeeleeyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Labadan Samafale ee la qafaashay oo ka yimid dhinaca Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay wada socdeen Samafalayaal kale oo Ajnabi ah oo uga soo haray Degmada Baardheere, kuwaasi oo iyana ay dhalashooda isugu jirto Dalalka Britain iyo Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia