Arbaco, April 02, 2008(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa Ciidamada Suuqa Bakaaraha waxaa uu faray in ay tallaabo ka qaadaan ganacsatada diida in ay qaataan lacagta duugowday ee Kunka Shillin Soomaaliga ah.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin in ay qaar ka mid ah ganacsatada ay kala sooc-soocaan lacagta Kunka Shillin ah ee duugowday, wuxuuna sheegay in dadka lacagtaas diida ay yihiin kuwo damiir-laawayaal ah oo cunaqabateynaya Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Cali Dheere in ay sidoo kale ka qeybqaadato dhaqangelinta amarka ay soo saareen ee ah in la qaato lacagta Kunka Shillin ah ee duugowday, bacdamaa Shillinka Soomaaliga uu ka mid yahay Astaanta Qarannimo ee uu leeyahay Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu ammaan u soo jeediyay Dadka ku dhaqan Degmada Burco, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo Wadaniyiin ah oo uusan dhiman damiirkooda, wuxuuna caddeeyay in ay weli Dadka Deegaanadaas ku dhaqan isticmaalayaan Lacagtii 50-ka 100-ka iyo 500 ee Shillin Soomaaliga, taasi oo isticmaalkeeda uu ka suulay Gobollada Koofureed ee Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Lacagta Shillin Soomaaliga ah ayaa haatan waxay isugu soo hartay Kunka Shillin, kaasi oo aan lahayn wax baaqi soo celin ah kadib marka uu qofka wax boqolaal jooga uu wax ku iibsado in in uu baaqiisa wax kale ku iibsato mooyee.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia