Dowladda Holland oo Markab Dagaal u soo direysa Xeebaha Soomaaliya

Arbaco, April 02, 2008(HOL): Dowladda Holland ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya u soo direyso Markab dagaal oo ka qeyb qaadan doona howlgallada la dagaalanka Burcad Badeed ee ka socda Xeebaha Soomaaliya.

Go’aankan ay ku dhawaaqday Xukuumadda Holland ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu Baarlamaanka dalkaas go’aamiyay in Markab dagaal loo diro Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo ku biiri doona Maraakiib ay leeyihiin Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka oo Xeebaha Soomaaliya ilaalo ka haya.

Markabka dagaal ee ay soo direyso Dowladda Holland oo Xeebaha Soomaaliya joogi doona muddo Seddex Bilood ah ayaa wuxuu sidoo kale ka qeybqaadan doonaa soo galbinta gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya laga soo geliyo dhinaca Badda.

Dagaallo ka dhacay Soomaaliya ayaa waxay keeneen natiijo ah in dad gaaraya 2 Milyan oo Ruux ay ku tiirsanaadaa Raashin mucaawino ah oo dibadda looga keeno, tiiyoo mararka qaarkood ay Hay’adaha Gargaarka dhibaato ka mutaan sidii dadka raashinkaas u baahan loo gaarsiin lahaa sabab la xiriirta amni darro jirta aawgeed.

Dhanka kalena Wasiirka Arrimaha Dibadda Holland Mr. Maxime Verhagen ayaa sheegay in Dadka qaxootiga ah ee dalkiisa yimaada  aysan suurtagal u noqon doonin in ay magangalyo helaan, waa sida lagu shaaciyay barta Internet-ka ee Radio Netherlands WorldWide.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia