
Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay saxeexdo Heshiisyada Abraham, oo ka dhigan in ay si toos ah u aqoonsan doonto Israa'iil, isla markaana ay wada shaqayn toos ah yeelan doonaan Jerusalem.
Madaxweyne Cirro, oo qoraal ku baahiyay barta X kadib aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland, ayaa heshiiska maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in Somaliland ay saxeexi doonto Heshiisyada Abraham.
"Waa waqti taariikhi ah, waxaanu si diirran u soo dhoweynayna , Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Israa’iil, Benjamin Natanyahu aqoonsiga uu siiyay Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waxaan xaqiijinayna diyaar-u-ahaanshaha Somaliland ee ku biirista Heshiisyada Abraham (Abraham Accords)" ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in tallaabadani ay astaan u tahay bilowga iskaashi istiraatiiji ah oo horumarinaya danaha wadajirka ah, xoojinaya nabadda iyo amniga gobolka, isla markaana keenaya faa’iidooyin wadajir ah dhammaan dhinacyada ay khusayso, iyada oo aan waxyeello loo geysan cidna.
Raysal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Natanyahu, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku martiqaaday magaalada Jerusalem ee xarunta Israa'iil, waxaana la filaya in uu markaa si rasmi ah u saxeexo heshiiska.
Israa'iil ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland, waxaana la filaya in waddamada kale ee ku jira Heshiisyada Abraham ay sidoo kale ku dhiiradaan aqoonsiga Somaliland.
Maxay yihiin Heshiisyada Abraham?
Heshiisyada Abraham (Abraham Accords) waa heshiisyo caadiyeyn diblomaasiyadeed oo la saxiixay sanadkii 2020, kuwaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Mareykanka, kuna dhex maray Israa’iil iyo dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Baxrayn, iyo Marooko; waxaana markii dambe ku biiray Suudaan iyo Kazakhstan. Heshiisyadani waxay aasaaseen xiriirro diblomaasiyadeed, ganacsi iyo iskaashi dhinacyo badan leh.
Magaca “Abraham” waxa laga soo qaatay nabi Ibraahim (CS), oo ah awoow ay wadaagaan diimaha waaweyn, si uu u muujiyo midnimo iyo wada-noolaansho. Heshiisyadu waxay astaan u noqdeen isbeddel weyn oo ku yimid xidhiidhada Bariga Dhexe. Hase yeeshee, horumarka heshiisyadan ayaa gaabis ku yimid kaddib weerarradii Xamaas ee Oktoobar 2023.