Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in dowlado kale dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dowlado kale ay ku soo jiraan jidka aqoonsiga Somaliland kadib markii ay dowlada Israa'iil  maanta si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cirro ma sheegin dalalka xiga ee aqoonsan doona Somaliland, balse waxa la filayaa in ay ku xigaan waddamada kale ee ka tirsan Heshiisyada Abraham, kuwaas oo uu ugu horreeyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Waxaan idiinku bishaaraynayaa in dalal kalena ay dariiqa aqoonsiga Somaliland ku soo jiraan, balse ma aha markii ugu horreysay ee Israa’iil hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland. Hore ayay u ahayd dalkii ugu horreeyay ee ay raacaan 35 dal oo aqoonsaday Somaliland, xilligii aynu gobannimada ka qaadanay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in 35-kii dal ee hore u aqoonsaday Somaliland ay mar kale hormuud ka noqon doonaan aqoonsigeeda. Dalalkaas hore u aqoonsaday Somaliland waxa ku jiray qaar ka mid ah quwadaha dunida.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland uu marag u yahay dadaalka shacabka reer Somaliland iyo samirkii muddada dheer ay ku naawilaayeen in ay maalin uun noqdaan dal ka mid ah beesha caalamka. Waxa uu sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaalka ilaa ay ka hesho aqoonsi buuxa dhammaan dowladaha caalamka.

“Dunidu waxay xaqiiqsatay in Somaliland tahay xaqiiqo jirta oo aan cidina dafirin. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad way guulaysatay, waxayna xaqiijisay rajadii ugu weyneyd ee shacabka Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku tiirsan oo wax badan wadaaga, balse aanay qasab ahayn in ay hal dowlad noqdaan. “Waaya-aragnimadu waxay na bartay in Soomaalidu iyagoo kala dowlado ah ay deris noqon karaan, kuna noolaan karaan walaaltinimo iyo iskaashi midho-dhal ah.”

Ugu dambayn, Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in lagu hungoobay riyadii Soomaaliweyn, isla markaana loo baahan yahay in wixii hadda ka dambeeya wakhti lagu bixiyo sidii shacabka Somaliland looga shaafiyi lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay midowgii hore.