Guddoomiyaha Midowga Afrika oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si cad u diiday wax kasta oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, isagoo taageero u muujiyay midoobidda iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aaddan  aqoonsiga Somaliland, isagoo xusay in Madaxdii hore ee ururkii hore ee Midowga Afrika ee (OAU) 1964 ay hore u caddeyeen in xuduudaha laga dhaxlay gumaystaha xilligi madax-bannaanida la ixtiraamo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si adag uga hor yimid tallaabo kasta oo lagu doonayo in Somaliland loogu aqoonsado dal madax-bannaan, isagoo sheegay in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in jebinta midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya ay tahay tallaabo lid ku ah mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika, islamarkaana khatar ku noqon karta nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa mar kale ku celiyay sida AU u go’an tahay midoobidda, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya, isagoo taageero buuxda siiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee nabad-sugidda, xoojinta hay’adaha dawladda, iyo horumarinta hoggaan dowladeed oo loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa kasoo jeeda dalka Jabuuti, oo kamid ah waddamada kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland.

Aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland sidoo kale waxa kasoo horjeedsaday dowladaha Sacuudiga, Turkiga, Jabuuti, Masar iyo Dowlada Soomaaliya, oo iyadu si adag ganafka ugu dhufatay, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideedada.