Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo soo qabanqaabisay munaasabad lagu xusayo 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Cabirka Farta

Axad, December 21, 2025 (HOL) - Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa magaalada Beijing ku qabatay xaflad heer sare ah oo lagu xusay 65-guurada ka soo wareegtay aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay danjirayaal ka kala socday in ka badan 50 dal, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Shiinaha, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, oo martida ku soo dhaweysay munaasabadda, ayaa khudbad ay jeedisay ku xustay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinimo taariikhi ah, is-ixtiraam iyo is-faham. Waxay carrabka ku adkaysay in ujeeddada xuskan 65-guurada ahi ay tahay in si dhab ah loo muujiyo sawirka Soomaaliya ee maanta, gaar ahaan hodantinimada dhaqanka, suugaanta iyo hal-abuurka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo adeegsado sidii lagu xoojin lahaa xiriirka shacabka labada dal.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa isna khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo xusay in Shiinuhu ka mid yahay saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay maanta si kalsooni leh u soo dhoweynayso maalgashi, isla markaana ay u diyaarsan tahay iskaashi wax ku ool ah oo miro dhal ah.

Dhankiisa, Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Hu Changchun, ayaa bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee labada dal, isaga oo xusay in Shiinuhu ay si joogto ah u taageerayaan xasilloonida, horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, ayna ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Intii ay khudbaduhu socdeen kaddib, munaasabadda ayaa u gudubtay bandhigyo dhaqan oo si weyn u soo jiitay martida. Xafladda ayaa ku billaabatay codka fannaanadda Shiinaha ah Hu Yifan, oo si qiiro leh u qaadday hees ay u bixisay “Soomaaliya ha noolaato”. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay agab dhaqameed Soomaaliyeed, madal lagu turjumayay suugaanta iyo gabayada Soomaaliyeed, iyo bandhig moodo oo lagu soo bandhigay labbiska Soomaaliyeed iyo agab hidde ah.

Waxaa kale oo shaaca laga qaaday farshaxan ka sameesan dhagax jade ah oo laga keenay Soomaaliya, laguna xardhay geela Soomaaliya taas oo astaan u aheed hidaha, farshaxanka iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay bandhig sawirro ah oo cinwaankiisu ahaa “Deganaansho, Qurux iyo Farxad ka jirta Soomaaliya”, kuwaas oo ay diyaariyeen sawirqaadayaasha Soomaaliyeed Awale Cabdikariim Maxamed (Koronto) iyo Saciid Axmed Muuse (Fadheeye), iyadoo sawirradu ay si toos ah uga tarjumayeen quruxda dabiiciga ah, nolol-maalmeedka iyo wejiga nabadeed ee Soomaaliya.