Dibad‑bax Balaaran oo Lagu Diidayo Howlgalada ICE ee Ka Dhanka ah Soomaalida iyo Siyaasadaha Trump oo ka dhacay Minneapolis

Cabirka Farta

Axad, December 21, 2025 (HOL) - Magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa maanta martigelisay isu‑soobax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday hadallada adag iyo siyaasadaha ay soo jeediyeen Madaxweynaha Mareykanka iyo hay’adda Immigration and Customs Enforcement (ICE), kuwaas oo horey u bilaabay hawlgallo lagu bartilmaameedsanayo jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolkaasi.

Dibad‑baxayaashu waxay muujiyeen inay kasoo horjeedaan jirdilka, xarigga iyo tarxiilka xubnaha bulshada Soomaalida, gaar ahaan iyadoo la kordhiyey howlgallada la dagaallanka muwaadiniinta ajnabiga ah ee Minnesota. 

Waxaa ka qeyb galay dad isugu jira Soomaali, cadaan iyo bulshooyinka kale ee madow, kuwaas oo ku biiray si ay u muujiyaan garab istaagooda iyo taageerada ay u hayaan jaaliyadda Soomaalida.

Howlgalada ICE oo loo bixiyey “Operation Metro Surge” ayaa diiradda saaraya howlgallo ballaaran oo lagu sameynayo xaafadaha ay ku badan yihiin muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo Latino‑ga, taas oo dhalisay cabsi xooggan iyo dareen midnimo bulsho. 

Dad ka mid ahaa dibad‑baxayaasha oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin garab istaaga ay ka heleen bulshada kale, iyagoo tilmaamay in tani ay tahay fursad lagu muujiyo wadajirka iyo taageerada dadka Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.

Dad badan ayaa xitaa ganacsiyadooda xiray, iyagoo ka cabsi qaba in xaaladda amni ay keentay in la soo tarxiilo ama la xiro, taas oo saameyn ku yeelatay noloshooda iyo dhaqaalahooda.

Cumar Cali, oo 24 jir ah kuna nool Minnesota muddo dheer, ayaa tilmaamay in hadallada kasoo yeeraya Trump ay yihiin kuwo si siyaasadeed loo adeegsaday isla markaana aysan ka tarjumayn xaqiiqda bulshada Soomaalida ee gobolka, kuwaas oo sida badan u soo buux dhaafay Minnesota una arka inay tahay gurigoodi labaad.

Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha dibad‑baxa, Xabiibo Axmed, kuna nool magaalada, ayaa sheegtay in shacabka Mareykanka ay u muujiyeen garab istaag qoto dheer jaaliyadda Soomaalida, sheegeysana in ay rajeynayaan in arintani ay ku keeni doonto midnimo iyo is faham bulsho oo sii xoogeysanaysa, Waxay sidoo kale ugu baaqday Soomaalida inay soo baxaan, dib u furaan ganacsiyadooda, una shaqeystaan si ay u dhiirrigeliyaan dhaqaalahooda iyo bulshadooda.