
Axad, December 21, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Johannesburg ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday toogasho wadareed lagu dilay dad gaaraya 9 qof, waxaana sidoo kale toogashada lagu dhaawacay in ka badan 10 ruux.
Weerarkan sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Bekkersdal ee magaalada Johannesburg, waxaana geystay koox hubeysneyd oo rasaas ooda kaga qaaday goob Maqaaxi ah.
Kooxda fulisay weerarkaan oo ilaa hada aan la aqoosan, islamarkaana goobta si deg deg ah uga baxsatay ayaa Booliiska dalkaasi waxay sheegeen iney ku raad joogaan oo ay soo qaban doonaan.
Wali lama shaacin magacyada dadka ku dhintay weerarka, kuwa dhaawaca ah iyo waliba iney ku jiraan dad ajaaniib ah iyo sababta keentay in la beegsado maqaaxida oo aheyd mid lagu cabo qamriga.
Kooxaha daba gala dambiyada ee dalkaas ayaa durba bilaabay iney dib u raacaan Kaamirooyinka ku xiran waddooyinka iyo xaafadaha si loo helo Gawaarida weerarka ku fuliyeen kooxda hubeysneyd.
Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo bilaha u dambeeya sanad kasta, dalka Koofur Afrika kusoo kordhan dilalka tooska ah, weerarada ka dhanka ah Ajaanibta oo ay ugu horeeyaan Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas.