Madaxweynaha Jubaland oo Magacaabay Guddiga Isu-duwidda Gurmadka Abaaraha

Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa magacaabay Guddiga Isu-duwidda Gurmadka Abaaraha, guddi loo xilsaaray dejinta iyo hagidda qorshayaasha wax looga qabanayo abaarta ba’an ee ku habsatay deegaanada Jubaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in xaaladda abaarta oo saamayn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada ay keentay in si degdeg ah loo magacaabo guddi heer dawlad Goboleed ah oo dardar-geliya hawlaha gurmadka.

Guddigan oo ka kooban wasiirro muhiim u ah adeegyada bulshada iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gargaar & Maareynta Musiibooyinka, halka xubnaha kale ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha, tamarta iyo biyaha, xannaanada xoolaha, caafimaadka, haweenka iyo dhalinyarada.

Ujeeddada guddiga ayaa lagu sheegay isku-duwidda dadaallada gurmadka, qiimeynta baahiyaha degdegga ah, iyo fududeynta gaarsiinta caawimada halka ay uga baahida badantahay, si loo yareeyo saameynta abaarta ee bulshada ku nool gobollada Jubaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu baaqay guddiga in ay si hufan oo degdeg ah u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Jubaland si isku dubbaridan uga jawaabto mushkiladda abaarta oo saamayn xooggan ku yeelatay nolosha shacabka.