Soomaaliya oo la wareegtay hal milyan oo doollar oo ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday gurmadka abaaraha

Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay deeq lacageed oo gaaraysa hal milyan oo doollar, taas oo ay Dowladda Shiinaha ugu tala-gashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo dalka ah.

Munaasabadda lagu wareejinayay deeqdan ayaa ka dhacday xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), halkaas oo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, uu si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Wang Yu.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in deeqda Shiinuhu ay tahay mid ku soo beegantay xilli ay daruuri tahay, isla markaana wax weyn ka tari doonta dardargelinta howlaha gurmadka degdegga ah, gaar ahaan bixinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah dadka ay abaaruhu ugu daran yihiin.

“Deeqdan waxay kor u qaadaysaa dadaallada lagu samatabixinayo shacabka nugul. Waxaan ku dadaali doonaa in gargaarka si hufan oo degdeg ah u gaadho dadka u baahan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha, Amb. Wang Yu, ayaa caddeeyay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay Soomaaliya, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in Shiinaha uu sii wadi doono taageerida dhinacyada bani’aadantinimo iyo horumarineed.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha gurmadka iyo yareynta dhibaatooyinka abaaraha,” ayuu yiri safiirku.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in hay’addu ay sii amba-qaadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Shiinaha iyo deeq-bixiyeyaasha kale, si loo xaqiijiyo in gargaarka uu gaaro dadka ugu nugul, loona fuliyo howlaha gurmadka si hufan, degdeg ah, oo isla xisaabtan leh.