Golaha Shacabka oo Ansixiyay Wax-ka-beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Isniin, December 8, 2025 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey ku-waafaqidda Madaxweynaha ee wax-ka-beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kadib kulan ay yeesheen oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Muddo yar kadib markii la guda galay akhrinta qodobada sharciga, ayaa Guddoomiye Abshirow wuxuu ku dhawaaqay natiijada coddeynta, taas oo muujisay taageero aad u weyn oo ay Xildhibaanadu u muujiyeen hindisaha.

Tirada Xildhibaanada ogolaaday waxay ahayd 140, halka hal Xildhibaan uu diiday, afar kalena ay ka aamuseen.

Wasaaradda Maaliyadda oo horey u faahfaahisay muhiimadda sharcigan ayaa sheegtay inuu noqonayo mid nidaaminaya hab-raaca iyo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabaadka dalka, taasoo horseedi doonta in la helo khubaro sare oo tayo leh oo ka shaqeeya maareynta iyo dabagalka xisaabaadka Dowladda Federaalka.

Ansixinta sharcigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayeynta maamulka maaliyadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wado dadaallo lagu casriyeynayo hab-maamulka dhaqaalaha iyo xisaabaadka dowliga ah.