
Axad, December 7, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah ee dalka.
Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira, ayuu Madaxweynaha ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee dowladda, kuwaas oo ujeedkoodu yahay xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wajahaan dagaal saddex jiho ka socda milatari, dhaqaale iyo mid fikri kaas oo ay wadaan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay heerka ay marayaan dadaallada ku aaddan doorashooyinka tooska ah ee dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la dhammaystiro Dastuurka Kumeel-gaarka ah si loo helo dowladnimo buuxda oo sharciyad adag leh.
Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in taageerada ay siiso Soomaaliya ay noqoto mid isku duuban, hufan oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee dowladda.
Madaxweynaha ayaa kulanka ku muujiyay rajo ah in iskaashiga caalamiga ah iyo dadaalka gudaha ay horseedi doonaan Soomaaliya ammaan ah, mideysan oo ku tallaabsata horumar waara.