Jubbaland oo ku dhawaaqday iney tahay dowladd gaar ah

Axad, December 7, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in Jubbaland ay ka guurtay maamul goboleed, islamarkaana ay tahay dowladd. 

Gudoomiye Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay iney wax ka badal ay ku sameeyeen Dastuurka, taasina ay keentay inay ka guuraan magaca dowlad goboleed oo ay u guureen dowladd Jubbaland.

“Waad ogtihiin dastuurka waa ka saarnay dowlad-goboleed xubnaha baarlamaanka waa fadhiyaan goboleedka ayaan ka saarnay, haddana waa dowladda Jubbaland” ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan

Hadalkaan ayuu ka sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland shirweynaha 8-aad ee Caafimaadka Jubbaland, wuxuuna faray golaha wasiirada Jubbaland iney u hogaansamaan Dastuurka oo ay adeegsadaan magaca cusub ee dowladda Jubbaland.

Si kastaba ha ahaate go’aan xasaasiga ah ayaa u muuqda mid uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan go'aanka ay ku dhawaaqday Jubbaland.

Ugu dambeyntii talaabadan Jubbaland ay qaaday waxaa horay u qaaday Puntland oo iyadu ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso, sida dowlad madax banaan oo kale, kadib markii ay isku dhaceen dowladda Fedaraalka Soomaaliya.