
Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Federaalka Soomaaliya ayaa Axada maanta soo saartay digniin culus oo ku saabsan cudurka Gowracatada (diphtheria) oo si degdeg ah ugu fidaya dalka, kaas oo hadda soo ritay in ka badan 1,000 carruur ah, halka ay u geeriyoodeen ku dhowaad 50 kale.
Warbixinta rasmiga ah ee ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in carruurta da’doodu u dhexeyso 5 ilaa 15 sano ay yihiin kuwa ugu badan ee uu cudurku haleelay, isla markaasna ay yihiin kuwa ugu khatarta badan ee u geeriyoonaya.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa baaq adag u diray waalidiinta iyo bulshada, iyagoo ku boorriyey inay si dhaqso leh carruurta ugu geeyaan xarumaha caafimaadka haddii ay arkaan calaamadaha cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in 15-ka Diseembar 2025 la bilaabi doono ol’olaha qaran ee tallaalka, kaas oo lagu beegsanayo carruurta oo dhan si loo joojiyo faafitaanka cudurkan halista ah ee gowracatada ah.
“Sanadkan waxaan la tacaalaynaa faafitaan weyn oo Gowracatada ah, Illaa iyo hadda, in ka badan 1,000 carruur ah ayaa cudurka qaaday, in ka badan 50-na way u dhinteen, Kooxda ugu badan ee uu saameeyey waa carruurta da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 15 sano,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.
Dowladdu waxay ugu baaqday bulshada inay xoojiyaan wacyigelinta, isla markaana ay si degdeg ah u soo sheegaan calaamadaha lagu arko carruurta, Waxa kale oo ay ku adkaysay in la raaco talooyinka caafimaad ee bulshada si looga hortago faafitaanka cudurka.