Arbaco, November 12, 2025 (HOL) - Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay lagu falanqeeyay iskuduwidda iyo maaraynta hubka iyo rasaasta dalka. Kulankan oo la qabto labo jeer sannadkii ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta ee sannadaha 2025–2030.
Shirka waxaa guddoomiyey La-taliyaha Amniga Qaranka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga qaranka sida Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya taageerada barnaamijyada lagu horumarinayo nidaamyada maareynta hubka iyo rasaasta.
newsinsideLa-taliyaha Amniga Qaranka ayaa khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in shirka uu yahay mid ka tarjumaya go’aanka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleed.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan hufan oo mas’uuliyad leh oo lagu maareeyo hubka iyo rasaasta, si nidaamyada amniga dalka ay ula jaanqaadaan xeerarka iyo heerarka caalamiga ah, isla markaana loo fuliyo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriira arrintan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyadda cusub ay xoogga saarreyso dhismaha awoodda dowladeed iyo nidaamyada lagu hago maamulka hubka iyo rasaasta. Wuxuu xusay in istaraatiijiyaddan cusub ay diiradda saarreyso yareynta khataraha iyo halista ka dhalata kaydinta iyo soo dejinta rasaasta, iyadoo la raacayo tilmaamaha caalamiga ah ee International Ammunition Technical Guidelines (IATG).
Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday heshiis guud oo lagu taageeray hirgelinta istaraatiijiyadda cusub ee maareynta hubka iyo rasaasta, iyadoo lagu heshiiyey in Wasaaradda Difaaca Qaranka ay u gudbiso istaraatiijiyaddan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo fulinteeda rasmi ah.