Arbaco, November 12, 2025 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in qeybinta kaararka codbixinta ee dadka deggan gobolka Banaadir ay si rasmi ah uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho toddobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in fariin gaar ah loo diri doono qof kasta oo horey isu diiwaangeliyay, si uu uga soo qaato kaarkiisa goobtii uu markii hore isdiiwaangeliyay.
newsinside“Qof walba farriin ayaa loo soo diri doonaa, waxaana laga codsanayaa inuu tago goobtii laga diiwaangeliyay si uu u qaato kaarkiisa uu ku codeyn lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo intaasi raaciyay in marxaladda hore laga bilaabi doono degmooyinka xeebta ku yaalla ee Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.
Guddiga ayaa sheegay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, kuwaas oo si gaar ah loogu diyaariyay degmooyinkaasi si ay shacabka ugu fududaato helitaanka kaarka.
Warbixinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale xaqiijisay in in ka badan 900,000 oo qof ay horey isu diiwaangeliyeen, taas oo muujineysa diyaar garowga shacabka ee doorashooyinka heer degmo ee dowladda federaalku qorsheynayso in la qabto.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin heer degmo ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta doorashooyinka dalka.