Arbaco, November 12, 2025 (HOL) - Haween badan oo ka soo barakacay magaalada Al-Fashir ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ay la kulmeen kufsi, dil wadareed iyo sidoo kale carruurtoodii oo ay qaar badan oo kamid ah waayeen, kadib markii magaaladaasi ay gacanta u gashay ciidamada RSF, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda UN Women ee Qaramada Midoobay, oo ay Reuters soo xigatay.
Ciidamada RSF ayaa kadib markii ay qabsadeen magaalada Al-Fashir ee 26-kii Oktoobar si ula kac ah u laayay shacabka magaalada, taas oo qayb ka ah dagaal sokeeye oo u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF, kaas oo socday muddo ku dhow laba sano iyo badh. Dadkii ka soo qaxay magaalada ayaa ku warramay in dad rayid ah lagu toogtay waddooyinka iyo in duqeymo diyaaradeed lagu qaaday xaafadaha dadka shacabka ah.
newsinsideAnna Mutavati, Agaasimaha Gobolka ee UN Women ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa sheegtay in haweenka ka soo baxsaday Al-Fashir ay la kulmeen “argagax aan bani’aadam u dulqaadan karin.” “Waxaa soo kordhaya caddeymo muujinaya in kufsiga si ula kac ah loogu adeegsanayo hub ahaan” ayay tidhi Mutavati.
Waxay intaas raacisay: “Jidhka haweenka wuxuu noqday goob dembi, meel ammaan ahna maanta lagama heloyo Suudaan. Haweenku ma haystaan meel ay ku kulmaan, ay nabad ku yihiin ama ay ka helaan taageero nafsiyeed.”
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in in ka badan 11 milyan oo haween iyo gabdho ah ay hadda wajahayaan gaajo iyo amni darro aad u daran gudaha gobolka Darfur. Haween badan ayaa lagu soo warramaya in la kufsado ama la afduubo xilli ay raadinayaan wax ay cunaan, iyadoo qaar ay duurka u tagaan si ay usoo qadhaabsadaan gaajo awgeed.
“Marka haweenku raadsadaan wax ay cunaan, waxay wajahayaan khataro kale oo isugu jira afduub, kufsi iyo tacaddiyo jinsiyeed,” ayay tidhi Mutavati.
Bishan, hay’adaha caalamiga ah ee la socda xaaladda cuntada ayaa ku dhawaaqay in macaluul laga soo sheegayo magaalooyinka Al-Fashir iyo Kadugli, kuwaas oo muddo dheer ku jiray go’doon.
Dhanka kale, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in dilal, kufsi iyo tacaddiyo ku saleysan isir-nacayb ay weli ka socdaan gudaha magaalada Al-Fashir.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 82,000 qof ay ka barakaceen Al-Fashir iyo deegaannada ku xeeran tan iyo 26-kii Oktoobar, halka illaa 200,000 qof ay weli ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ayaa baabi’iyay nolosha malaayiin qof, halka Darfur mar kale isu bedeshay goob ay ka socdaan xasuuq, kufsi iyo tacaddiyo bani’aadamnimo, kuwaas oo dadka dib u soo xusuusinaya dhacdooyinkii murugada lahaa ee sanadkii 2003-dii.