1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2025
Wasiir Fiqi "Xiisadii nagala dhaxeeysay Itoobiya waxaa lagu dhameeyay dulqaadka Soomaaliya"
 

Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta si faahfaahsan uga hadlay sida lagu xaliyay xiisadii cusleyd ee ka dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeysay sidii Itoobiya uga tanaasuli laheyd damaceedii guracna oo ay ku dooneysay qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ka tanaasushay dhamaan qoddobadii la isku hayay ee la xariiray heshiiskii ay la gashay Somaliland.

“Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay, diblumaasiyadda waa wada hadal, dad badan ayaa qabay inaan Itoobiya lala fariisan oo aanan lala hadlin, hadii aanan lala hadli laheyn sidee lagu keeni lahaa guusha hada laga soo hooyay Itoobiya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya, iyadoo  bartamaha bishii hore ee Decembar ay heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhameeyo xiisaddii ka dhalatay is afgaradkii dhexmaray Somaliland Itoobiya bilawgii sanadkii 2024-ka.