Qodobo Kasoo Baxay Shir Beelaha Warsangali Uga Socday Deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag
Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Shir beelaha Warsangali uga socday deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag, oo ay beeshu kaga arrinsanaysay xasaradihii dhawaanahan ka dhacay magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu go’aamiyey in beeshu ay difaacdo shacabka iyo hantida ay ku leedahay magaalada.
Shirka oo laga soo saaray 7 qodob, ayaa qodobka kowaad waxa lagu taliyey in beeshu ay midowdo, isla markaana ay marjac ka dhigato Shareecada Islaamka. Qodobka labaad ayaa lagu sheegay in beel ka mid ah beelaha dega Ceerigaabo ay ka baxeen heshiis nabadeed oo beeluhu wada galeen 1993.
“Qodobka 3aad: Shirku wuxuu go’aamiyey in si buuxda oo mug leh loo difaaco dadka, deegaannada iyo hantida beelwaynta Warsangeli, gaar ahaan degmada Ceerigaabo,” ayaa lagu yidhi go’aamada shirka kasoo baxay. “Qodobka 4aad: Shirku waxa uu magacaabay guddi ka kooban 35 xubnood oo u xilsaaran maaraynta iyo fulinta Qodabka Sadexaad.”
Go’aamada shirka waxa lagu sheegay in dhammaan waxyeelooyinka ka dhashay dagaalladii ka dhacay degmada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ay masuuliyadooda qaadan doonto Somaliland iyo maleeshiyaad beelaysan oo taabacsan, isla markaana la beegsaday dadka ka soo jeeda beelaha qaar ee magaalada ku noolaa.
Ugu dambayntii, shirku wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka in ay mucaawino gaadhsiiyaan dadka ka barakacay magaalada oo duruufo adag ku wajahay meelaha ay u qaxeen. Sidoo kale, shirku wuxuu go’aamiyey in shirweyne aayo-ka-tashi ah ay beeshu isugu timaado 15-ka February 2025.