1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2025
XOG: Sababta Soomaaliya ku riixday in ciidamada Burundi aysan kasii mid ahaan howlgallada nabad ilaalineed ee Soomaaliya

Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidammada Burundi, oo muddo dheer ka howlgalayay Soomaaliya iyagoo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, ay joojin doonaan howlahooda laga bilaabo 1-da Janaayo 2025.

Warar isisoo taraya iyo xogo soo baxaya, ayaa sheegaya, in dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsanayn awoodda ciidammada Burundi ee la dagaallanka kooxaha argigixisada.

Burundi ayaa Soomaaliya ku lahayd ilaa 5,500 oo askari oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ah qayb ka mid ah ciidammo ka kooban 20,000 askari oo dalal kala duwan ah oo loogu talagalay xasillinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedin dhawaan ka timid Soomaaliya oo ku saabsan in tirada guud ee ciidammada shisheeye laga dhigo 12,000 askari oo ay ku jiraan kaliya 1,041 Burundi ka socda ayaa sare u qaaday xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Sida ay falanqeeyayaasha amniga ku doodayaan, Soomaaliya ayaa su’aal ka keentay waxtarka ciidammada Burundi ee la dagaallanka al-Shabaab. Intii ay joogeen Soomaaliya 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Ciidammada Burundi ayaa la sheegay inay khasaaro badan kasoo gaareen dagaallada ay la galeen Alshabaab, iyadoo in ka badan 1,000 askari looga dilay Soomaaliya, tiro kalena la dhaawacay, halka qaar kalena ay gacanta u galeen Alshabaab.

Marka laga soo tago caqabadaha dagaalka, ciidammada Burundi ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, iyadoo warbixinno la helayo ay muujinayaan inay fududeeyeen hawlgallada al-Shabaab.

Eedeymo la xiriira lunsashada dhaqaale oo lagu eedeeyay saraakiil Burundian ah, ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay niyadda iyo waxqabadka ciidammada, taasoo sii xumeeyay sumcaddooda.

Dowladda Burundi ayaa muujisay inay ka xun tahay dhimista ciidankooda, iyadoo u aragta inay tahay hoos u dhac lagu sameeyay doorkooda xasillinta Soomaaliya. Mas’uuliyiinta Burundi ayaa ku dooday in ciidamo yar oo ka aada Soomaaliya  ay u nuglaan doonaan weerarrada al-Shabaab.

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidammada Burundi ee Soomaaliya ka baxaya loo daad-gureynayo bariga dalka Congo, halkaas oo dagaallo culus ay kaga jiraan kacdoonka kooxda M23.