1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo Soo Dhaweeyay in Maraykanku uu Xafiis Dibulumaasiyadeed Ka Furto Hargeysa

Axad, January 19, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland ee ka socda golayaasha Maraykanka.

Madaxweyne Cirro ayaa ka mahadnaqay dadaallada ay Guddida Gaar ka ah ee Koongareeska u Qaabilsan Ka Hor Tagga Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, ay ku doonayaan in Washington ay xafiis dibulumaasiyadeed ka furato Hargeysa.

“Waxa aan bogaadinayaa xildhibaannada Koongareeska iyo Senetka ee Maraykanka iyo Guddida Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ee ku baaqay in Maraykanku uu xafiis dibulumaasiyadeed ka furto Somaliland" ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. "Waxaannu ka shaqayn doonaa in xidhiidhkaasi sii xoogaysto".

Guddidan ayaa 15 kii bishan dowladda Maraykanka ka codsatay in ay xafiis dibulumaasiyadeed ka furato Somaliland, si looga hortago saamaynta sii kordhaysa ee uu Shiinuhu ku yeelanayo gobolka.

Somaliland ayaa sannadkii 2020 xidhiidh toos ah la yeelatay Taiwan, oo u dhaqanta sidii waddan madax-bannaan, laakiin ay Beijing aaminsan tahay in ay tahay qayb dhulkeeda ka mid ah. Somaliland ayaa diidday inay xidhiidhka u jarto jamhuuriyaddan xidhiidhka dhow la leh Washington, taasi oo soo jiidatay indhaha Reer Galbeedka.

Warbaahinta reer Galbeedka iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa Somaliland ku tilmaamay in ay tahay cidda keli ah ee Shiinaha ku tidhi "Maya." Sidaas darteed, waxa ay tilmaameen in waddamada Galbeedku ay mudan tahay inay xidhiidh la sameeyaan si looga hortago saamaynta Shiinaha.