1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2025
Puntland: Lama keeni karo degaanadeenna raashin baqaarada suuq Bacaad lagasoo raray
 

Axad, January 19, 2025 (HOL) - Puntland ayaa ku dhawaaqday in degaanadeeda aan lasoo gelin karin raashin laga keenay dowladda Federaalka Soomaaliya.  Shir jaraa'id oo ay magaalada Boosaaso ku qabteen Wasiirka Gargaarka Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayay sheegeen in dowladda Federaalka ay raashin baqaarada lagasoo guray ku wareejisay shakhsiyaad ka soo jeeda Puntland.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay xadday raashinkii loogu talagalay dadka degaannada Puntland, iyagoo sheegay in dowladda Federaalka ay dooneyso inay raashinka baqaar lagasoo ururiyay ku tilmaanto mid loogu talagalay Puntland.

“Raashin suuq bacaad lagasoo rarayo in la yiraahdo, Puntland baa loo rarayaa oo dhulkaa la marinayaa, waxay ku tusinaysaa nidaam xumada iyo boobka ka jira dowladda Fedederaalka Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo si qarsoodi ah raashin laga keenay dowladda Federaalka soo geliso degaanadeeda.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ugu dambayn sheegay in hay’adihii soo dhiibay raashinkan ay ku wargalin doonaan in la xaday gargaarkooda, si aysan mar dambe ugu kadsoomin aaminaadda dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida uu sheegay maamulka Puntland.

Maalintii shalay ayay ahayd markii hay'adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ay soo bandhigtay raashin gargaar ah oo ay sheegtay inay u dirtay degaanada ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay howlgallada ka dhanka ah ururka Daacish ee ka socda gobolka Bari.