10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2024
Puntland: Xasan Sheikh gidaarkuu soo taabtay waa in dalka laga badbaadiyo
 

Talaado, October, 8, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh ay kasoo xirmeen gidaaradii uu ku doonayay muddo kororsi, kaddib markii uu fashilmay shirkii Golaha Wadatashiga.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu mar dambe isugu imaan doonin wax madal la dhaho, isagoo sheegay in haatan dalku u baahan yahay in la badbaadiyo, lana qabto shirweyne ballaaran oo looga tashanayo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay.

“Xasan iyo mabaadiidiisii kali-taliska ahayd gidaarkay soo taabatay. Gidaarka hadday soo taabatayna Mariyaanana way sugaysaa, In guntiga lagu dhego lix bilood oo la dhaho Xasanow soo bax. Isagaa oran jiray Maxamadow soo bax,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay, Puntland inay ka walaacsan tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan diyaar u ahayn inuu dalka doorasho u diyaariyo sanadkan 2026, wuxuuna sheegay in damaca siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh uu dalku galin karo qalalaase siyaasadeed oo aan lagasoo waaqsan.

Wuxuu sheegay inuu meesha ka maqan yahay kaalintii raysal wasaaruhu lahaa, isagoo sheegay raysal wasaaruhu inuu ku shaqeynayo damaca iyo rabitaanka madaxweyne Xasan Sheikh.