10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2024
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Galagaduud
 

Talaado, October, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo Xalay saqdii dhexe ciidanka Kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanka Gariile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howgalka in lagu dilay 27 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

"Howlgalka ayay ciidanka ku dileen 27 Khawaarijta katirsan kuwaasi oo isugu jiro Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad sida ay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Axadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ay howlgalo cir iyo dhul ahaa ka fuliyeen deegaanada kala ah Bida Ciise iyo Geriile oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay 50 xubnood oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa si aad ah u kordhiyay mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi kooxda lagu gaarsiiyay khasaarooyin baaxad leh.