10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2024
Dowladda oo faahfaahin ka bixisay howlgalo culus oo laga fuliyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
 

Talaado, October, 8, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah looga bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgalo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda, kuwa dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaala gobalada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgaladaan oo ka kala dhacay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay 59 xubnood oo isugu jira horjoogagaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka kowaad ayaa ka dhacay deegaanka Garilay oo ah deegaan u dhaw  Coosweyne waxaana lagu dilay 32 xubnood, halka howlgalka labaad oo ka dhacay tuulada Yaaqle oo u dhow deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 27 xubnood oo kale.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgaladaasi dhanka ciidanka dowladda ay kaga geeriyoodeen afar ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah dagaalka ay dowladda Fedaraalka kula jirto kooxda Al-shabaab oo ay ku dooneyso iney kaga ciribtirto kooxda Al-shabaab guud ahaa dalka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-