10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2024
Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis is-afgarad ah ku gaaray iskaashiga amniga labada dal
 

Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa heshiis is- afgarad ah ku gaaray iskaashiga amniga labada dal, iyadoo magaalada Kambala uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkas booqasho rasmi ah ku tagay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Yoweri Museveni. labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika, iyo xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyagoo labada dal isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Uganda ayaa geesta kale taageeray hawlgalka cusub ee AUSSOM, oo ah mid ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.

Yoweri Museven waxa uu dhoweeyay xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026.

Madaxweynaha Uganda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay  qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyaddeeda amniga.