10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2024
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlaglo ka dhacay gobolka Mudug
 

Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalada oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Qeycad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa Wasaaraddu sheegtay in lagu dilay ilaa 30 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaadka tirsan kooxda Al-shabaab islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Horjoogayaasha lagu dilay howlgalada ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Bashiir Muuse oo kooxdu ugu yeeri jirtay Mukhtaar, kaasoo ahaa horjoogaha waxa loogu yeero Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug iyo Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjooge Al-shabaab u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalada lagu burburiyay godad iyo Fariisimo mudo dheer isku qarinayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso Warsaxafeedka oo dhameystiran.