10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2024
Xisbullah oo shaacisay inuu marxalad cusub u gudbay dagaalka ay kula jirto Israa'iil
 

Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Xisbullah ee ka dhisan dalka Lubnaan ayaa wacad ku maray iney kordhin doonaan dagaalka ka dhanka ah Israa'iiliyiinta.

Hanjabaada Xisbullah ayaa imaaneysa maalin kadib markii ciidanada Isra'iil ay magaalada Gaza ku dileen hoggaamiyahii Ururka Xamaas Yahya Sinwar.

Bayaan kasoo baxay Ururka Xisbullah galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu shaaciyay inuu marxalad cusub u gudbay dagaalka Xisbullah ay kula jirto Isra'iil, islamarkaana maalamaha soo socda ay dhici doonaan dhacdooyin.

Hadalkaan kasoo yeeray Xisbullah ayaa kusoo beegmeya, saacado kooban kadib markii Xamaas ay xaqiijisay in la dilay Yahya Sinwar oo ahaa shaqsigii abaabuley weerarkii 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii 2023 lagu qaaday Isra'iil ee dhaliyay dagaalka wali ka socda magaalada Gaza.

Yahya Sinwar ayaa noqonaya hoggaamiyahii labaad ee Isra'iil ay ka disho Ururka Xamaas wax ka yar mudo sadax bilood ah, waxaana horay Isra'iil ugu dishay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan 31-kii bishii Julay ee sanadkaan Isma'il Haniyah oo ahaa hoggaamiyahii Xamaas ee uu badalay Yahya Sinwar.