10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Faahfaahin ku saabsan kulan dhexmaray madaxweynaha Jubbaland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo weli ku guda jira la kulanka  madaxda Soomaalida ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, qorshayaasha socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar garowga shirka golaha wadatashiga qaran ee dhowaan furmaya.

Warar uu HOL helay waxay sheegayaan in danjiraha Qaramada Midoobay uu Axmed Madoobe kala hadlay inuu dib ugusoo laabto gogosha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo xafiiska UNSOM uu kaalin weyn ku yeelan doono qaban qaabada shirkan oo la filayo inay Puntland kasoo qeyb gasho.

Booqashadan ayaa daba socota wadahadal horey u dhexmaray Swan iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya (DFS), kuwaas oo ku saabsanaa natiijo la'aantii uu kusoo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

James ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo xiriirka ee u dhexeeya Madaxweyne Madoobe, DFS, iyo madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada (FMS), si wax ku ool ah loo xalliyo arrimaha dib-u-dhaca ee Golaha Wadatashiga Qaran iyo midnimada dalka.

Dhinaca kale, war saxaafadeed kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay, in Kulanka dhexmaray Swan iyo Axmed Madoobe looga hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka ATMIS iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaddib markii uu ka horyimid in iyadoo aan loo dhamayn go'aan laga gaaro doorashada dalka.