10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland, gaar ahaan guutada labaad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ciidanka Daraawiishta howlgalada ka sameeyeen, islamarkaana ay la wareegeen ayaa kala ah Cag libaax, Libaaxley iyo Dalnaje oo dhamaantood ahaa deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha guutada labaad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdi Ciilmooge Fanax oo hoggaaminaayay howlgalada ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Taliye Fanax ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu bur buriyay fariisimihii Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada hoostaga Janaay Cabdalle oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay geystaan.

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah howlgalada ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ka wadaan deegaanada maamulkaas ee lagu doonayo in looga ciribtiro kooxda Al-shabaab guud ahaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Tan jyo markii ay bilaawdeen howlgada ka socda Jubbaland waxaa suurtagashay in dib isugu furmaan deegaano iyo degmooyin badan oo markii kala xirnaa, kuwaas intooda badana ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.