10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab ayaa guulo ka sheegtay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday.

"Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Khawaarijta oo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe" ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala dheere.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliye Dhala dheere in ciidanka xoogga dalka ay wali sii baacsan hayaan firxadka xubnahii weerarka kusoo qaaday Saldhiga deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Raas qabow ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka mid ah gobolada ay sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.