12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Jubbaland oo soo saartay waaran lagusoo xirayo madaxweynaha Soomaaliya
 

Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee maamulka Jubbaland ee degmada Kismaayo ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxkamaddu waxay ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh inuu galay dambiyo waaweyn oo ka dhan ah midnimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa u muuqata inay tahay jawaab ka timid maamulka Jubbaland, kaddib markii maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo lagu eedeeyay qiyaano qaran iyo falal lid ku ah qaranimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Kismaayo ayaa ku eedeysay Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyay falal culus oo lagu kicinayo dadka, abaabulidda jabhado hubeysan, iyo waxyeellaynaya midnimada iyo amniga qaranka Soomaaliya. Waxa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay khiyaano qaran.

Guddoomiyaha Maxkamadda Kismaayo, Dr. Muuse Cismaan Geeddi, ayaa amar ku bixiyay in ciidamada Booliska Jubbaland ay si degdeg ah u soo qabtaan madaxweynaha Soomaaliya, kadibna la horgeeyo maxkamadda darajada koowaad ee Kismaayo, si loogu qaado dacwad sharci ah.

Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku haya arrimo siyaasadeed. Tallaabooyinkan maxkamaduhu soo saareen ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.