12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha
 

Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhi wadajir ah, kaasoo ay ku ansixiyeen xubnaha gGuddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fadhiga maanta waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana kooram ahaan uu fadhigan ku furmay xildhibaano gaaraya 175 Mudane.

Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa in xubnaha Guddiga lagu ansixiyo ayaa durba waxa ay mudanayaasha cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta Guddiga, waxaana taageeray 169 mudane, 6 mudane ayaa ka soo horjeestay, mana jirin cid ka aamustay sida uu shaaciyay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Guddigan oo ka kooban 18 xubnood ayaa xalay waxaa fadhi deg deg ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya lagu ansixiyay.

Arinta xiisaha leh ee Baarlamaanka maanta ka dhacday ayaa ahayd, in mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka degaan ahaan laga soo doorto Jubaland ay seeri ama firimbi ku dhex yeerinayeen gudaha Golaha Shacabka iyagoo diidan codka loo qaadayay oo jawigii baarlamaanka uu isku badalay buuq iyo sawaxan xoogan.

Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ahaa xildhibaanadii maanta seeriga ka yeerinayay aqalka Baarlamaanka ayaa sheegay in hadii ay Dowladda Soomaaliya kasoo celin magaalada Raas-kambooni inay aag dagaal ka furi doonaan magaalada Muqdisho.