12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Hoos u dhac ku yimid miisaaniyadda uu Bangiga Adduunka ku taageeri jirtay Puntland
 

Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu hoos u dhac ku yimid miisaaniyadda mashaariicda uu Bangiga Adduunka (World Bank) ku taageeri jiray Puntland.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka jeediyay kulankii uu baarlamaanka Puntland ugu gudbinayay miisaaniyadda sanadka 2025, si loo ansixiyo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin sababta keentay hoos u dhaca, Hase ahaatee, waxaa arrintaan lala xiriirinayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in miisaaniyadda guud ee ka imaanaysa hay’adaha caalamiga ah ay korortay 18%.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu walaac ka muujiyay in hoos u dhaca miisaaniyadda World Bank uu saameyn ku yeelan karo mashaariicda muhiimka ah ee laga fulinayo Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay  sheegtay inay fasaxday mashaariic horey ugu xayirnaa Puntland, kuwaas oo xayirnaantooda ay sabab u ahayd diidmada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sida ay sheegtay dowladda Federaalka.

Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay si dhow uga doodaan arrintan, iyadoo qorshaha miisaaniyadda 2025 uu noqonayo mid xasaasi ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee haatan ka jira Puntland.