12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Batuulo Gaballe oo Dowladda ku eedeysay inay xaraasheeyso Guriga Hooyooyinka Qaranka
 

Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gaballe ayaa sheegtay inay geeri ay ka xigaan in Guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Batuulo waxa ay carabka ku dhufatay in Xalay ay Dowladda ciidamo badan ay geeysay Guriga Hooyoyinka, waxaana ay ku eedeysay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre in uu warqad uu qoray uu Guriga Hooyooyinka ku wareejiyay Wasaaradda Qoyska.

Waxa ay tilmaamtay inay difaacan doonaan Guriga hooyooyinka oo ay qaban doonaan banaanbaxyo waa weyn oo tallaabadaasi ay ku diidan yihiin, sidoo kale waxa ay ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya inuu yahay qofka bixiyay amarka wasaaradda Qoyska loogu wareejiyay Guriga Hooyooyinka oo uusan Ra'iisul wasaare Xamsa awood u lahayn inuu bixiyo.

"Bashiir Goobe ayaa lagula heshiiyay inuu beeciyo Guriga Hooyooyinka oo lacagta ka timaada ay kala qeybsadaan Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Bashiir" ayay tiri Batuulo oo banaanka hore ee Guriga hooyooyinka kula hadashay bahda warbaahinta Muqdisho.

Guriga hooyooyinka ee ku yaala Degmada Xamarweyne kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya waxaa hadda ku shaqeeya marka laga soo tago Ururka Haweenka Qaranka, warbaahinta Kulmiye, Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Shirkaddo iyo qeyb ay hadda ay ku shaqa bilowday wasaaradda Qoyska ee uu wasiirka ka yahay wasiir Bashiir Goobe.