12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Yuusuf Garaad: Soomaaliya marna kama tanaasulin mowqifkeeda ku aaddanaa xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay mowqifka Soomaaliya ee heshiiskii Is-afgaradka ee Itoobiya (MoU) ee ay la saxiixatay Somaliland uu yahay mid aan waxba iska beddelin.

Qoraal uu Yuusuf Garaad kusoo daabacay boggiisa Facebook ayuu ku sheegay, in wada hadalada ka furmaya Turkiga ay rajadu tahay in lasoo afjaro xadgudubka Itoobiya ee wadajirka dhuleed iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, si loo billaabo in la dhayo dhaawacyada gaaray kalsoonidii iyo iskaashigii derisnimo ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Haddii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku guuleystaan xalinta arrimahan, waxay albaabada u furi doontaa wadashaqeyn iyo iskaashi hor leh, oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa u safray dalka magaalada Ankara ee dalka Turkiga si uu uga qeyb galo wajiga saddexaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in raysal wasaaraha Itoobiya uu ka codsaday madaxweynaha Turkiga inuu kulansiiyo isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, si ay labada masuul uga wada hadlaan sidii loo dhameyn lahaa xiisadda labada dal.